Iska Jir Oo Fahan Wax-Yeelada Miinadda W/Q Cumar Cabdirisaaq Cali

Muhiimada u weyn waa dhul laga sifeeyey wax yaabaha qarxa iyo  bulsho fahansan wax yeelada miinadda si loo gaadho badbaadada shacabka.

 

Hilaad ku siman, 1964, 1977 Dagaaladii lagu horeeyey Jamuuriyada Somaliland ayaa waxa kordhay xadiga miinadda ee dalka ku soo koradhay taasi oo sababtay dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Dhimasho, Gacmo la’aan, Lugo la’aan iyo xubno kale oo muhiim ah in ay wax yeelayso miinada faraha badan ee ay keeneen dagaaladii kala danbeeyey ee soo maray dhulka soomaalida.

Dhibaatooyin badan kadib waxa la asaasay Hayada wax ka qabashada Miinadda oo hada hoos tagta wasaaradda gaashaandhigga JSL halka ay iyana la asaasay hay’ado madax banaan oo ka shaqeeya sifaaynta,qarxinta iyo ilaalinta wax yaabaha qarxa taasi oo ay hada ugu weyn tahay hay’ada HELLO TRUST, guullo badan kadib waxa maanta la sifeeyey dhul badan oo ka mid ah gudaha JSL taasi oo muuqata in horumar badan laga sameeyey in wax laga qabto dhibaatada kala duwan ee ay keento Miinadu.

Dhamaan xogaha aad halka hoose ka arki doontaan ee ku saabsan inta la sifeeyey, dadka la wacyi galiyey iyo xadiga billo dhawr ah la uruuriyey miinooyinka kala duwan ee dalka ku jira waxa aan xogtooda ka helay qaybaha kala duwan ee u qaabilsan sida Hayadaha miinadda,dhakhtarada iyo waliba masuuliyiinta deegaanada laga sifeeyey miinada.

Sanadkan ugu danbeeyey ee 2018 oo warbixino dhawr ah aanu ka helnay dhamaanba hayadaahasi waxa aanu kala kulanay tirada ardayda dugsiyada ee loo sameeyey wacyi galinta taasi oo ah 2,169( Laba kun boqol iyo sagaal iyo lixda) arday kuwaasi oo kala dhigta dugsiyada  Waraabe Salaan(Ex Naasa Hablood), Macalin Da’ud,  Axmed Gurey iyo Cali Jaamac.

 Geesta kale guulaha muuqda ee laga sameeyey Sifeynta deegaamada miinadu ku jirto ayaa ka mid ah deegaanada Faradeero, Raydabta khaatumo iyo deegaano kale oo dhawr ah kuwaasi oo laga soo saaray wax yaabaha qarxa oo kala ah:  AP Miinadda Lidka Dadka( Anti Person) 5 Midh, Noocyada loo adeegsado Qarax 30 Xabo, Aayar Gubtaha(Xadhiga Cas) Bambo Gacmeed. Dhamaan waxyaabahaasi oo ah kuwo laga sifeeyey deegaano dhawr ah ayaa ah mid bad baadinaysa bulshada yaraynaysana khatarta Bini aadamka.

Kaliya kuma koobna warbixintani in ay soo bandhigto dhamaan uruurinta iyo wacyigalinta la sameeyey balse waxa kale oo aad hoosta ku arki doontaan dhibaatada kala duwan ee ay bulshadu kala kulanto miinada iyo sida ugu haboon ee aad iskaga dhawri karto khataraha kala duwan ee ka yimaada wax yaabaha qarxa.

Dhamaan hayadaha kala duwan ee ka shaqeeya wax ka qabashada miinadu waxa ay noo xaqiijiyiin in Sanad kasta ay jiraan dhimasho iyo dhaawac ay sababtay dhibaatada miinadu waxaanay xuseen in sanadkani ay jiraan dhimashada 3 qof iyo dhawr qof oo dhaawac ah kuwaasi oo uu dhaawacoodu kala fudud yahay waxa kale oo ay sheegeen in ay hada soo badanayso miinada ku aasan dhulka oo ay soo saaraan roobabka kala duwan ee dalka ka da’a kuwaasi oo dibada u soo saara miinadda ku aasan dhulka hoos tiisa.

Dhamaan masuuliyiinta kala duwan ee aan la kulmay wax ay ii sheegeen in ay bulshadu u baahan tahay fahanka ka taxadirka miinada iyaguna ay ku hawlan yihiin sidii ay kor ugu qaadi lahayeen wacyi galinta ay bulshada u sameeyaan si loo bad baadiyo bulshada oo inta u badan ay yihiin dumar iyo caruur, waxa kale oo ay sheegeen in ay soo kor dhayaan dadka ku waxyoolooba miinada oo u baahan dadaalo dheeraad ah si ay bulshada u dareento baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.

Hadaba  akhriste ka fogoow wax kasta oo ah waxyaabaha qarxa amaba se aad u malayso in ay u eegyihiin kana fogow wax kasta oo leh muuqaalka biro duug ah oo sababi kara qarax naftaada dhibaato u keena.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker