Ganacsade Somali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Kooxo  burcad ah oo hubeesan ayaa xalay deegaanka Qamata oo hoostaga magaalada Queenstown ee dalka Koonfur Afrika ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Liiban Faarax Kheyre (Liiban Copy).

Sida aan wararka ku helnay kooxdaa burcadka   ayaa muwaadinkan Soomaaliyeed ku weeraray goobtiisa ganacsi uu ku sugnaa, waxaana dilka kadib la sheegay in burcada goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa ku guul dareestay soo qabashada burcadii dilkaasi geestay, waxa ayna ciidamada sheegeen in ay wadaan baaritaano.

Magaalada dilku ka dhacay oo Soomaali badan ganacsiyo kala duwan ku leeyihiin ayaa kamid aheyd goobaha xasiloon oo inta badan aan lagu beegsan Soomaalida, waxaana dilkan cabsi badan ku beeray ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi kunool.

Dalka Koonfur Afrika sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacay dilal badan oo loo geestay Soomaali dalkaasi u tagtay nolol in ay ka helaan, mana jirto cid wax ka qabata dilalka iyo dhaca joogta ah ee Soomaalida loogu geesto dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker