Hindiya oo toddobaadkan noqoneysa dalka ugu dadka badan dunida

Dalka Hindiya ayaa dhaafi doona Shiinaha, oo noqon doonta dalka ugu dadka badan adduunka dhamaadka usbuucan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dadka Hindiya, ayaa la filayaa in ay gaaraan 1,425,775,850 qof dhammaadka Bishan Abriil, xogta cusub ayaa muujineysa.

Hay’ad kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa toddobaadkii hore saadaalisay in dadka dalka India ay dhaafi doonaan tiro ahaan dadka dalka Shiinaha bartamaha sanadkan.

Wadamada Aasiya, ayaa waxay noqonayaan in ka badan seddex meelood meel dadka adduunka in ka badan 70 sano.

“Shiinuhu waxa uu dhawaan lumin doonaan maqaamkii uu mudada dheer haystay, ee ahaa dalka ugu dadka badan adduunka,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay waaxda dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Qaramada Midoobay (DESA).

Waxay intaas ku dartay “sababtoo ah hubanti la’aanta la xiriirta qiyaasta iyo saadaalinta dadweynaha, taariikhda gaarka ah ee Hindiya ee la filayo inay dhaafto Shiinaha tirada dadka waa qiyaas, waxayna ku xiran tahay dib u eegis”.

Hey’adda si gaarka ah u qaabilsan dadweynaha ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in usbuucii hore dalka Hindiya noqon doonto tiradooda 2.9 bilyan oo qof, in ka badan Shiinaha bartamaha sanadkan 2023-ka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker