Shiinaha oo iska diiday in uu weerar dhanka internetka ah ku qaaday Kenya

Safaaradda Shiinaha ee Kenya ayaa beenisay warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters oo ku saabsan in burcadda u dhalatay qaaradda Aasiya ay weerareen hay’ado muhiim ah oo ku yaalla magaalada Nairobi oo ay ku jirto madaxtooyada, si ay u qiimeeyaan in dalka uu bixin karo balaayiin doollar oo ay Beijing ku leedahay.

Laakiin bayaan ay soo saartay Arbacadii, safaaradda Shiinaha waxay ku sheegtay in warbixintu ay tahay “mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin”.

“Weerarada dhanka internetka ayaa ah khatar guud oo soo wajahda dhammaan dalalka.Shiinaha sidoo kale waa dhibane weerarada dhanka internetka ah,” ayay safaarada sii raacisay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker