Somaliya Oo Dib U soo Celinaysa 40 Sano Kaddib Iskaashigii Difaaca Ruushka.(Sawiro)

Warbixin ay qortay warbaahinta Ruushka ayaa lagu sheegay in midho dhal uu noqday kulan gaara oo dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) iyo Wasiir kuxigeenka Difaaca Ruushka Col. Alexander Fomin, kaasoo dhacay kadib Shirkii madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ee dhowaan ka dhacay magaalada Sochi.

 

Kulankan dhex maray labada dhinac, ayaa ahaa kii u horeeyay eeĀ  laba geesood ah oo dhexmara Waaxaha difaaca Soomaaliya iyo Ruushka, kadib burburki Midowgi Soviet, inkastoo kulankan aanay wax war ah ka soo saarin dhanka dowladda Soomaaliya, hadana wuxuu ahaa kulan dowladda ahmiyad gaara u leh ,,marka loo eego arrimaha Iskaashiga Difaaca iyo Ciidamada, maadaama Wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galay shirkii Sochi uu qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed ayaa waxaa kulanka ku wehliyay La Taliyaha Siyaasadda arrimaha dibadda Balal Cusmaan iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka.

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo lagu Naanayso, (Amar Dambe ) ayaa Wasiir kuxigeenka Difaaca Ruushka la wadaagay xaalada siyaasadeed ee militari ee soo ifbaxaysa Soomaaliya iyo dowladaha dariska la ah ee Geeska Afrika.

 

Dhanka kale, Alexander Fomin ayaa ku wargaliyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya arimaha ku saabsan suurtagalnimada dib u soo celinta iskaashiga difaaca Ruushka iyo Soomaaliya, iyadoo la tixgalinayo xayiraadaha saaran Soomaaliya.

 

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhankiisa xaqiijiyay inuu danaynayo horumarinta iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal.

Midowgii Soviet ayaa saameyn weyn kulahaa dhismihii Ciidamadii Qaranka Soomaaliya, inkastoo xiriirkii Soomaaliya iyo Midowgii Soviet uu xumaaday dagaalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib ay la safteen Itoobiya.


home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker