War-Deg Deg Ah:-Madaxweyne Mustafe Cagjir Oo Xilalka Ka Qaaday Xubno Sare Iyo Xaaladda Siyaasadeed Oo Kacsan.

Jigjiga-(OWN)-Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilka ka qaaday Mas’uuliyiin dhowr oo la sheegay in ay kasoo horjeedeen maalmihii lasoo dhaafay.

Kulankii golaha wasiiradda ee DDS waxaa xilkii looga qaaday koox lagarab ah axmed shide kuwaas oo kala ah.

1. Cabdi Xakiin Cigaal _ Madixii xarunta dhexe Ee Xisbigga.
2. Guleed Aw-cali wasiirkii warfaafinta DDS.
3. Cabdi Xukun Cali Dubad oo ahaa madixii Machadka farsamada ee DDS.
4. Cabdi Bile madaxii shirkada yar yar ee DDS.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida  Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa Wasiirka Warfaafinta u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid.

Madaxweynaha Dowlad degaanka ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo food saaray caqabado badan oo ay ka mid yihiin arrinta isku dhaca qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, oo uu meel adag ka istaagay, isagoo na horay u sheegay in isabdel uu ka dhacay deegaanka Soomaalida, balse xagga Oromada uusan wax isbadel ah ka dhicin.

Awoodda Xisbiga ayaa u muuqata inay sababtay loollan adag oo u dhexeeya madaxweynaha deegaanka, Mustafa Cagjar, iyo Gudoomiha Xisbiga, Axmed Shide.

Shide waxaa uu ku xiran yahay dowladda federaalka Itoobiya, wuxuuna horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta, haatanna waa wasiiraka maaliyadda ee dalka Itoobiya. Waxaa muuqata inuu saameyn badan ku leeyahay siyaasadda deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Mustafa Cagjar uu kabaxay shir ka dhacay magaalada Addis Ababa kaasi oo u dhaxeeyay Axmed Shide oo ah wasiirka maaliyadda Ethiopia iyo isaga, kadib markii qodobo kala duwan ay isku qabteen.

Shirka uu ka baxay Mustafa Cagjar ayaa la sheegay inuu sidoo kale qeyb ka ahaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, waxaana Mustafa oo ku laabtay magaalada Jigjiga uu amray in ciidamada amaanka heegan ay galaan.

Madaxeyne Mustafe Cagjar ayaa doonaya in xubnaha kamid ah maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar gabi ahaanba aysan kasoo muuqan xarumaha kala duwan ee maamulka Soomaalida.

Ciidamada badan ee lagu daadiyay magaalada ayaa la doonayaa inay ka hor tagaan qalalaaso ka dhaca magaalada, waxaana maanta kulan gaar ah yeelan doona golaha wasiirada, isaga oo madaxweynaha uu shir guddoomin doono.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker