Daalinkii Siilaanyo Xaraashe & Aamina Weris inay Maanta eelka Liinta ku cabaan ayey ahayd, Markey Wadankii Cir, Dhul, Bad intey xaraasheen, Dubai soo dhigteen, tii Abaaraha, Tii Dekedaha & Tii Xumbo Weyne & Tii Wadooyinka ayey Wadadii Baligubadle Maradoon ku dhex socdeen.

Siilaanyo Ma xishoode, xaarashe, Qabiileystee Wadanii wada xaraashay isaga & Islaantiisa Aamina Weris oo
xiitaa Womencs Clubkii ka xishoon waayeen, Dekedii xaqul-qalin intey siisteen Dubai Guryo & Hanti fara badan
kaga samaysteen ayey Hargeysa & Shicibkii ay haraadka ku dileen ay dhex taxtaxaayashaan oo ay ku andacoonayaan
Wadooyinkii ayaanu u laydhsi tagnay, Daalinkii Siilaanyo & Aamina Weris in laydha laga qariyo oo ay Jeelka Liinta ku
cabaan ayey ahayd.
Shicibka Somaliland kolkey Siilaanyo & aamina Weris lagu hor xaysiinayo, Madaxweynihii & Marwadiisii, ma kuwii
xiitaa ka xishoon waayey qaadhaankii Abaarta, Dadka Haraadan Biyahoodii Xumbo Weyne, Ma Schoolkii Dumarka
Womwn Club, ma Buur, Banaan & Badba xaalufiyey ayaa weli dhex xarooganaya, oo Maamus & madaxweyne lagu
sheegayaa, in Ninkii Xaqa Umada Dhacay lala xisaabtamo ayey ahayd oo uu Siilaanyo Maanta Maxkamad ku jiro.
Sidaas Darteed, Siilaanyaba hadii cidi dacweyn weydey, Muusana maxaa loo xagxaganayaa dariiqaas ayuu mari cir
Dhul & bad inta hadhay ayuu xaraashi, hadhawna dariiqyada Hargeysa ayuu taxtaxaashi.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker