‘Koonfur Afrika waxay noqon doontaa wadan fashilmay’

Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa sheegay in wadanku uu noqon karo wadan guuldarraystay maadaama korontada laanta jirta ay khatar ku tahay in ay curyaamiso dhaqaalaha dalka.

Fikile Mbalula ayaa BBC-da u sheegay in “haddii aan la xalinin arrimaha qaarkood, waxaan noqon doonnaa dowlad fashilantay, laakiin uma soconno dhinacaas”.

Isagoo wareysi gaar ah siiyay Stephen Sackur oo ka tirsan barnaamijka Hardtalk ee BBC, Mr Mbalula wuxuu sheegay in dhaqaalaha Koonfur Afrika “la dhawacay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker