Dawlada Federaalka ah ee Somalia oo Garoonka Muqdisho ku Gubtay Qaadkii ugu Badnaa

Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya ayaa amartay in la gubo Qaadka la isku dayey in sifo sharci darro ah loo soo geliyo Muqdisho sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Wasiirka Gadiidka Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar.

 

Wasiirka ayaa xusay in jaadkan la isku dayey in lagu soo dhex qariyo Fasixii dulimaadka labada maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka.

 

 

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Magaalada Muqdisho soo gaadhayey Qaad lagu soo daabulay duumo, waxaana lagu kala iibsanayey qiimo aad u sareeyo, waxaana meelaha qaar halkii marduuf lagu kala iibsanayaa 200-300 Dollar halka markii hore lagu kala iibsan jiray 20 Dollar.

 

 

Ganacstada qaadka soo dajisato ayaa isku dayey inay ka faa’idestaan fursadda labada maalin oo ay Dowladda Soomaaliya fasaxday duulimaadyada caalamiga, waxayna qaadka kusoo dhex qarinayey buursooyinka iyo Jeegaga lagu soo qaato hilibka oodkaca.

 

Qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya ayaa qaadka lagu geeyaa gawaarida Xamuulka oo kasoo tallaabayo xuduudaha dowladaha Kenya iyo Itoobiya, taasoo hareer marsan amarkii Dowladda Soomaaliya ee ahaa inaan lasoo geli karin xuduudaha muddo 18 Maalin ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker