Hogaamiyaha sare ee Al-Shabaab oo markii ugu horeysay muqaal kasoo muuqday

Hogaamiyaha sare ee Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday muuqaal uu duubay garabka warbaahinta ee xarakada, kaasoo la soo dhigay baraha internet ka ee taageera kooxda.

Sheekh Axmed Cumar oo loo yaqaano Abu Cubeyda ayaa muuqaalka wajigiisa la saaray humaag si aan loo aqoonsan, wuxuna wareysi siinayay nin isna uu wajigu u xirnyahay.

Abu Cubeyda iyo hogaamiyayaasha kale ee kooxda ayaa ka qaybgalayay shir ay ugu magac dareen, wadatashiga waxa ay ugu yeereen jihaadka Bariga Afrika.

Amiirka ayaa fadhiyay safka hore ee shirka, isaga oo garabka ku haya afhayeenka kooxda Sheekh Cali Dheere.

Waa muuqaalkii ugu horeeyay oo kooxdu baahiso oo uu ka dhex muuqanayo amiirkooda Abu Cubeyda, illaa haddase ma cadda in qofka wajigiisa la qariyay, hayeeshee codkiisa la maqlayo uu yahay Abu Cubeyda.

Dhawr jeer oo hore ayay warbaahinta dawladdu sheegtay in Abu Cubeyda uu yahay xanuun la yaal sariir saaran, balse muuqalkan cusub haddii uu yahay ninka ka soo muuqday Abu Cubeyda, taasi waxay meesha ka saaraysaa warrarkii horey looga fidiyay.

Shirka oo aan la sheegin goobta uu ka dhacay ayaa muuqaalka la baahiyay waxa lagu dhex arkyaa, culimada kooxda taageerta, hogaamiyaal dhaqan oo ku nool dhulka kooxdu xukunto, waxayna ka soo saareen war murtiyeed ay kaga hadalayaan wajiga labaad ee hawgalka dawladda ku doonayso in dhulka ay gacanta ku hayaan looga saaro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker