Waa maxay Sababta ay Ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga U Dhigeen Afhayeenkii Wasaarada Arimaha Gudaha

Hargeysa (OWN):- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxaa ay maalintii shalay aheyd ay xabsiga dhigeen Afhayeenkii Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Jamaal Mahdi .

Afhayeenka la xidhay ayaa lagu eedeyey in uu aflagaado iyo eedeymo uu bartiisa Facebook ku soo qoray u jeediyey ciidanka Booliska Somaliland iyo madaxda dalka .

 

Afhayeenka oo xidhiidh warbaahinta la soo sameeyey ayaa yidhi

“ Wasiirka arimaha gudaha ayaa aniga oo jooga xafiiskayga iiso diray agaasimaha guud kaas oo ku soo amray inuu xafiiska layga saaro furahana layga wareejiyo

Maraan furihii ku wareejiyo agaasimaha waxa markiiba anigoo hortaagan xafiiskayga iqabtay taliyaha tubataariyada iyo ciidan uu wato.

Waxa lay geeyay CID-da waxaanay ii sheegeen in laygu haysto qoraal Facebook kayga ku qoran

Hore wasiirku isga oo aan warqad iiso qorin ina ogaysiin waxa uu xafiiska keenay wiil uu isagu keensaday. Tani waxay daba socotaa siduu wasiirku xafiiska iiga saari lahaa xadhigana isagaa ka danbeeyay

Waxa laydiiday in ay qoyskaygu i arkaan waxaana laygu xidhay qol gaar ah.” Ayuu yidhi

Halkan Hoose Ka Akhriso Qolaadii Uu Facebook-giisa Dhigay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker