Xulka Gobolka Gebilay Oo Saddex Gool Iyo Hal Gool Kaga Badiyey Xulka Gobolka Xaysimo.

Xulka gobolka Gebilay ayaa u gudbay wareega afar dhamaadka tartanka Ciyaaraha Goboladda Somaliland kadib markii ay ka guulaysteen xulka gobolka Xaysimo.

Labada xul ayaa soo bandhigay hanaan ciyaareed oo farsamadiisu sarayso waxaana qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay hal gool oo madi ah oo xulka gobolka Gebilay ay ku hogaaminayeen ciyaarta.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii la isugu soo noqday ayaa xulka gobolka Xaysimo ay la yimaadeen goolkii barbar dhaca ahaa, Hase yeeshee xulka gobolka Gebilay ayaa la yimid goolkoodii labaad.

Labada xul ayaa la gole yimid ciyaar ku dhisan weerar iyo weerar celis hase yeeshee xulka gobolka Gebilay ayaa la yimid goolkoodii 3aad ee guusha, Waxayna ciyaartaasi ku soo dhamaatay 3 Gool oo ay la yimaadeen xulka gobolka Gebilay oo noqday xulkii u danbeeyey ee u gudba wareega afar dhamaadka Ciyaaraha Gobolladda Somaliland iyo xulka Xaysimo oo hal gool la yimid.

Afarta xul ee Wareega afar dhamaadka Tartanka Ciyaaraha Gobolladda Somaliland u soo baxay ayaa sadex ka mid ahi Waxay yihiin gobolladda galbeedka Somaliland, kuwaas oo kala ah Maroodijeex, Hawd iyo Gabilay, halka Gobolka Daadmadheedh noqday gobolka qudha ee Madiga ah ee ka soo hadhay Gobollada bariga ee tartankan ka qaybgalay.

Afarta xul ee isugu soo hadhay Tartankan ayaa isku arki doonaan sidan:-
Daadmadheedh iyo Hawd oo kulmi doona maalinta Jimcaha haddii Alle idmo.

Halka Xulalka Maroodi-jeex iyo Gabilay ay wada ciyaari doonaan Maalinta Sabtida Inshaa Allaah

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker