Raiisul wasaaradda Abbiy Ahmed oo Safarkiisii ugu Horreeyay Ku Tegay Gobolka Tigraay
Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku Tegay caasimadda gobolka Tigrey ee Mekele tan iyo intii uu amray howgalkii militari ee ka dhanka ahaa Gobolkaasi.
Abiy Ahmed ayaa ka qeyb galay kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan golaha cusub ee loo dhisay in ay gobolkaasi Hogaamiyaan.
Dhanka kale waxaa uu Raii’sul wasaaraha Itoobiya kulan la qaatay dhigiisa dalka Sudan Cabdalla Xamdok.
Sarkaal u hadlay xukumadda Sudan ayaa sheegay in Mr Xamduuk uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac ee itoobiya isku haya.
Balse bayaan uu soo saaray My Abiy laguma xusin in dhexdhexaadin ay jirto.
Mr Abiy ayaa bayaankiisa ku sheegay in wefdiga Sudan ay taageereen tallaabadii militari ee ay dowladda dhexe ka qaaday gobolka Tigrey ee ku yaalla waqooyiga Itoobiya.
Dalka Sudan waxaa u qaxay 50,000 oo ah qaxootigii ka barakacay dagaalka gobolka Tigrey.
Horraantii bishii November ayay ahayd markii duulaan uu amray rai’sul wasaare Abiy lagu qaaday gobolka Tigrey