Ururka IGAD Oo Dawlada Somalia Ugu Deeqay Lacag Gaadhaysa 100, 000 $

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia  Maxamed Cali-Nuur Xaaji ayaa ka guddoomay jeeg ay ku qoran tahay 100,000  $  oo doolar Jamaal Axmed, oo  isku-xidhe ka ah Xafiiska IGAD ee Muqdisho, iyadoo kaalmadaasi lacageed ay tahay Hindise iskuduubni oo ka timid shaqaalaha Urur goboleedkaasi oo ay ku garab istaagayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dagaalkeeda ka dhanka ah Karoona feyrus.

 

Oo loo soo gaabiyo magaciisa COVID-19.

IGAD waxa ay ka soo Ururisay 700,000 $  oo Doolar oo tabarucaad maaliyadeed ah 430 Shaqaale oo uga howlgala dhammaan Rugaheeda shaqo ee guud ahaan gobolka, tani oo tilmaan u ah u diyaargarowgooda ka qeybqaadashada dadaallada lagu bixinayo bedqabka iyo ka ilaalinta muwaadiniinta IGAD  Ee  Xanuunka Karoona feyrus iyo muujinta Taageero garab-istaag u ah wadamada gobolka.

 

Iyadoo lacagta loo kala qeybiyay dhammaan xubnaha ururka si siman.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker