Dowladda Shiinaha Oo Maraakiib Dagaal U Soo Dirtay Xeebaha Soomaaliya

Dhowr Markab Dagaal oo ay Shiinaha soo dirtay ayaa waxa uu maanta ka soo shiraacday Deked Millitei oo ku taalla dalka dalkaasi, sida lagu shaaciyey barta ay Ciiddanka Xorreynta Shiinaha ee PLA ku soo qoreen barta ay ku leeyihiin Shabakadda WeChat.

 

Maraakiibtaasi oo ku soo wajahan Gacanka Cadmeed iyo Xeebaha Somalia oo ka kooban 3 Markab ayaa waxay kala yihiin Markab nooca wax burburiya, Mid Sahayda qaada iyo Markab ay ku rakiban yihiin Gantaallo.

 

Waana marki iugu horreysay ee ay Ciiddanka Shiinaha u soo diraan Markabka ay ku rakiban yihiin Gantaalladda la hago ee wax burburiya qeyb ka noqdo Hawlgalka ay ka wadaan Xeebaha Somalia.

 

Maraakiibta Dagaalka ee ay Shiinaha u soo direen Gacanka Cadmeed iyo Badda Somalia ayaa la shegay inay hawshoodu tahay inay gelbiyaan Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Samafalka ee QM u kireysan, si ay Shixnadaha Gargaarka u soo gaarsiiyaan dalka Somaaliya .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker