Maxaa ka jira in khilaaf cusub ka dhexeeyo Muuse Biixi iyo Xigeenkiisa Saylici

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo khilaaf culusi u dhaxeeyo Muuse Biixi ayaa safar aan ujeedadiisa la cadayn kaga baxay dalka.

Cabdiraxmaan Saylici oo sanqadh la,aan dalka kaga baxay ayaanay safarkiisa shaacin madaxtooyada iyo warbaahinta dawladu, balse xubno ka mid ah xisbiga Kulmiye ayaa ku sii sagootiyey madaarka magaalada Hargeysa.

Xogo aan helay ayaa ii xaqiijiyey in khilaafka Saylici iyo Muuse Biixi uu aad u sii kululaaday ka dib markii ay isku qabteen cida buuxinaysa jagada wasiirka maalgashiga oo banaanaatay ka dib markii Aamina Cilmi Fariid ka mid noqotay golaha wakiilada.

Fariin uu madaxweyne ku xigeen Saylici ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ayuu si kooban ugu sheegay inuu safar ugu baxay qaaradaha Yurub Iyo Afrika, isaga oo xusay inu socdaalkiisa ka bilaabay Itoobiya oo uu maanta gelinkii danbe gaadhay.

Ma jiro rasmi ah oo sheegaya ujeedada safarka uu Saylici kaga baxay dalka, balse khilaafka u dhaxeeya Muuse Biixi oo meelsare gaadhay ayey wararku sheegayaan inuu ka mid noqon karo sababaha uu dalka uga baxay isaga oo door biday inuu nafis siyaasadeed ku soo qaato dibeda.

Si aanad u amban la soco bogan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker