Markab xamuul siday oo ku degay Xeebaha Soomaaliya

Markabka qaada Xamuulka oo laga lee yahay dalka saaka ku dagey Badwaynta Hindiya gaar ahaan meel u dhow Xeebaha Bari ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay Shirkadda ka shaqeysa uruurinta xogta Maraakiibta isaga gooshta badaha Caalamka ee Fleetmon.

Markabka oo gooshayay Calanka wadanka Seoral Yown ayaa waxaa uu ku degay xeebaha Soomaaliya, iyada oo ay saarnaayeen Shaqaale gaara 12 ruux, mana jiro ilaa hadda gurmad la ogyahay oo gaaray.

Sidoo kale, ma jirto ilaa hadda faah-faahin laga helayo dhacdan qabsatay Markabka laga leeyahay Shiinaha iyo sidoo kale, Xaaladda Shaqaalaha 12 ka ah ee saaran oo isugu jira Kabtanka iyo howlwadeeno kale.

Dhinaca kale, Markabka kale ee shidaalka qaada HAFNIA BEIJING ayaa hakiyay safar uu ka soo bixi lahaa dalka Turkiga, isaga oo ku sii jeeda magalaada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Saacadihii la soo dhaafay roob xooggan ayaa ka da’ay qeybo kamid ah Xeebaha Soomaaliya iyo barriga dalkaba, kuwaasi oo laga yaabo in ay jihad ka lumiyeen Markabka ku quusay Xeebaha Bari.

Waxaa jira digniino ka soo baxaya Hay’addaha iyo Shirkadaha ka shaqeeya Ammaanka Xeebaha, kuwaasi oo ku aadan in ay jirto khatar dhinaca cimilada maadaama ay da’ayaan roobab xooggan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker