Filanwaa Sheeko Jacayl Qaybtii 2aad W/Q: Yaasiin Xasan

Canab waxay aabaheed ku tidhi:

‘’Aabbo maxaad sidan u yeeshay?, maxaad iigu dartay nin aana aqoon, maxaadse iigu sheegi wayday? Aabbo anigu guur uma soo jeedo, adigaana yaqaana qofka aad u aqalgayn doonto, anigu waxbaan bartaa ma rabo inaan ku lugooyo, sidaa darteed ninka waxba waqtiga ha kalumin lagama yaabo inaan oori u noqdo”.

Sid agan ayuu ula hadlay aabahayd, wuxuuna u sheegay inuu marhore arrintan ka baarandagay, islamarkaana dhinacyo badana wax ka eegay, waliba tashiyo kala duwadana reerka intiisa badan la qaatay,  si ayna sheekadu u dhicisoobin oo ay u noqoto mid midha dhalla, wuxuu yidhi: “waxaa laysku raacay inaan mustaqbal wanaagsan kuu dhisno” isagoo hadalkiisii sii wata odaygu wuxuu yidhi:

“Aabbo sidaad mooday ma aha, waa walaalka waa nin wanaagsan, anaa kaa huba meel fiican  ayaan kuu sahmiyay ee maandhay oohintan inaga daa, waxaa illa habboon inaad hadalkayga qiimayso, anigu isku halayn ayaan kuu siiyay ninkan, waliba kalsooni buuxda ayaan kugu qabay, marnaba niyadayda kuma soo dhicin Canab ayaa hadal kugu soocelin”.

Canab hooyadeed iyo wiilal la dhashay, ayaa iyaguna dhankooda ku qanciyay inay u hoggaansanto hadalka aabbaheed ducana ay qaadato, balse Canab maya ayay istaagtay, waxay aad ugu celcelisay in ayna marnaba aqbali doonin arrinkaas.

si walba oo ay Canab uga biyo diiday dhag jalaq looma siin, go’aankuna waa kan uu aabbaheed iclaamiyay.

Muddo 24 saac gudahood ayay xaaladdu murugo iyo naxdin isu badashay, waxay noqotay mucjiso lama filaana oo mugdi iyo shucaac ku gadaantay rajadii muddadda dheer la saadaalinaayay ee u dhaxeysay Canab Iyo Maxamed, waxaaso soo dhan waxaa ka daran oo mahadho ku ah Canab, sida dagdaga leh ee waxani u dhaceen.

Canab waligeed kuma ayna fikirin nin aan Maxamed ahayn inay nolasha laqayb sandoondo, balse waa qadar Illaah oo rabitaanka caynkaasa gabalkiis ayaa dhacay.

Ugu dmbayn waxay aabbaheed ka codsatay in la siiyo fursad si ay arrintan uga soo fikirto.balse waa laga diiday codsigeeda, sababto ah arrintu dhan ayay u dhacday, xiligan hadda la joogana fikir iyo dood wakhti looma hayo.

Dhank kale Maxamed waxba ka lama socdo xaaladdan qalafsan ee Canab la soo daristay.

Maxamed oo habeenkii xalay intiisa badan aan seexan, isla markaana ka walwalsanaa waxaa ku dhacay Canab, ayaa subaxdii sida caadadu ahayd markii ay goor sheegto dhawaaqday soo himbiriirsaday isagoo laama doodsan ayuu hurdadii dib ugu laabtay.

Nasiib wanaag toban daqiiqo kaddib saacadii ayaa mar labaad dhawaaqday, intuu soo booday ayuu durba is diyaariyay isla markaana soo dhawaystay agabkii waxbarashada, kaddib wuxuu walaashii ka codsaday inay udedejiso quraacda, wuxuuna ku yidhi: “waan daahsanahay walaalo fadlan ii gacan dhaqso” ugu dambayntii isagoo degdegsan oo boorsadiisii laalaadsanaya ayuu albaabka ka booday.

Laba maalmood kaddib oo uuna Canab arag, xitaa iskuulka ayna iman, ayaa waxay si kaddisa barxada hore ee iskuulka ugu kulmeen gabadh ay Canab walaalo yihiin, salaan kaddib wuxuu waydiiyay waxaa ku dhacay maalmahan Canab, inkastoy ka qarisay sheekada guriga ka jirta, haddana waxay u sheegtay inay Canab ayaantan ku mashquulsantahay aroos wiil ay ilma abtiyihiin oo dibadda ka yimid, kaas oo jimcahan soo socda aqalgali doona, intaa waxay uraacisay in uuna wax dhiba jirin! Waji dareen qaba ayadoo ka muuqdo ayay dhaqaaqday, intuu hadal ka daba tuuray ayuu ku yidhi, walaal igu salaan Canab.

Guriga waxaa ka jira diyaar garow xooggan oo ku aadan arooska Canab, kaasoo maalmo uun ka hadhadhsanyihiin. Waxaa la soo kireeyay Hoolka wayn ee Hotel Wabi shabeele, dad badan oo isugu jira qaraabo, asxaab, iyo fannaaniin ayaa lagu martiqaaday inay ka soo qayb galaan xaflada, si wanaagsan ayaa loo agaasimey waxaana lagu talajiraa inuu u dhaco aroosku aad u qurux badan, laakin laysma waydiin muragada ay arrintani Canab ku dhalisay, taaso oo ilaa hadda aan wax wara laga hayn.

Waxaa jira dad badan oo dareensan in ayna Canab ku faraxsanayn arooska, haddana looma joojin howshu sidaa ayay ku socotay.

Dhinaca kale, Maxamed wali wax war iyo wacaal ah kama mahelin, wallow shaki iyo dareen uu qabo, xiisaha iyo boholyowga caashaqa ka sakow, waxaa la yaab ku noqotay arooska Canab sidan u mashquuliyay oo xitaa ay iskuulkii maalmo dhan ayna u imaan weyday

Canab caqabadaha horyaalla waxaa kamid ah,hadidi ay bixilahayd si ay sheekada Maxamed ula socodsiiso, waxaa looga shaki qabaa inay baxsato, maadama ayna raali ka ahayn ninkan la siiyay,sidaa darteed isha ayaa lagu hayaa dhaq dhaqaaqeeda, loomana ogolo inay bannaanka u baxdo.

Xili galaba  ayuu Maxamed si kadisa Canab gurigooda ku yimid, irida ganjeelka markuu garaacay, nasiibdaro waxaa ka furtay gabadh ka mid ah gabdhihii arooska ka shaqaynayay, salaan kaddib wuxuu waydiiyay inay Canab joogto iyo inkale, waxay ugu jawaabtay maya walaalo ma joogto, kaddibna irriddii ayay qab kasiisay oo ay xidhay.

Yaab! xiligaas Canab waxay fadhiday barandada guriga, waxay maqlaysay jawaabta kulul ee qofkaa la siiyay ee ah majoogto iyo albaabka dagdaga loo xidhay, dareen ayaa galay, waxaana qalbigeeda ku soo dhacay tolow qofkaasi armuu Maxamed yahay, durba intay soo booday ayay cod dheer ku tidhi waan joogaaa, ilbidhiqsiyo guddahoodna albaabkii ayay dhaqso u furtay, waxay aragtay Maxamed oo sii socda, naxdin!, way ku dhici wayday inay la hadasho, balse qof wada maraayay ayay ka codsatay in uu isoo jeediyo wiilkaa.

Islamarkiiba waxaa niyadeeda ku soo dhacay boqol farriimood, waxay is waydiisay oo amakaag ku noqotay qaabka ay wax ugu sheegi doonto, mar waxay is tidhi waxba baddahaas ha u galin, kolay isagaaba maqli doona oo bishuba hortiisa ayay iman ee haka nixinin, haddana waxay ku fikirtay haddi ay ka qariso inay ka dhigantahay inay raali ka tahay arooska iyo ninkan la siiyay, hadhowna marka uu ogaado uu ka xumaandoono, taas macnaheedu ay tahay khiyaamo, intii ay kaligeed isla talamaysay ayuu Maxamed soo laabtay.

 

 

Intaa ha inoo joogto  lasoco qaybha dambe

W/Q: yaasiin xasan…

Yaasiinxm114@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker