Nin Lagu ciqaabay inuu sameeyo 300 oo kac-fadhiisi Jimicsi ah Kadibna Geeriyooday Iyo Sababta?

Nin u dhashay dalka Filibiin oo lagu helay inuu jebiyay sharciga xayiraadaha ee uu sababay cudurka covid-19 ayaa geeriyooday kadib markii lagu ciqaabay inuu sameeyo 300 oo kac-fadhiisi ah kaas oo ah nooc ka mid ah jimicsiga waxaana ninkaan qoyskiisu ay sheegeen in boolisku ay arrintaan ku amreen wiilkooda.

Darren Manaog Penaredondo ayaa la sheegay inay askartu joojiyeen isagoo biyo iibsanaayay meel ka mid ah gobolka Cavite ee dalkaas.Waxaa la sheegay inuu suxay markii hore maalintii xigtayna uu geeriyooday

Gobolka Cavite, oo ku yaalla jasiiradda Luzon, ayaa hadda ku jira xayiraad adag si looga hortago faafitaanka Covid-19.

Marlo Solero, oo ka mid ah taliyaasha ciidamada ayaa sheegay in aanay jirin ciqaab jireed loo geysto dadka lagu helo in ay jebinayaan sharciyada bandowga, balse wuxuu intaa ku daray in haddii lagu helo saraakiishu inay sameeyen ciqaabtan sababtay geerida ninkaan aan loo dulqaadan doonin.

 

https://www.youtube.com/watch?v=8F7-BRMxRkE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker