Boqor Salmaan oo la dhigay isbitaal ku yaalla Magaalada Riyadh

Riyadh (OWN) – Wararka laga helayo Sacuudiga ayaa sheegaya in isbitaal ku yaalla Riyadh la dhigay boqorka dalkaasi, Boqor Salmaan Bin Cabdul Caziiz.

 

 

Sida ay  ku Warrantay wakaaladda wararka ee Sacuudiga boqor Salmaan ayaa dareemaya xanuun dhanka kaadi heyska ah.

 

 

Sidoo kale wakaaladda ayaa soo warisay in boqorka 84 jir ah haatan laga deyrinayo xaaladiisa caafimaad, islamarkaana lagula tacaalayo isbitaal ku yaal Riyadh.

 

 

Weli dowladdu kama hadlin xaaladda caafimaad ee boqor, balse waxaa haatan lagu hayaa baaritaano dheeraad ah, sida lagu soo xigtay ilo dhinaca caafimaadka ah.

Boqor Salmaan Bin Cabdul Caziiz ayaa sanadkii 2015-kii la wareegay xilka boqortooyada Sacuudiga, kadib markii uu geeriyooday walaalkii boqor Cabdullaahi.

 

 

 

Wuxuu 48 sanno ah ahaa baraasabka ahaa gobolka Riyadh ka hor inta uusan noqon wasiirka gaashaandhigga 2011-kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker