Garsoorka Somaliland oo Maanta dib U eegis ku Sameeyay Kiiska Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon
Hargeysa (OWN) – Maxkamadda racfaanka ee Somaliland ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaashay dacwadda loo heysto, Wariye Cabdi Maalik Sheekh Muuse (Coldoon) oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xirnaa xabsiga magaalada hargeysa.
Maxkamadda racfaanka ayaa tan gobolka Maroodi-Jeex ku raacday xukunkii saddexda sano iyo lixda bilood ee ay horay ugu riday Coldoon.
Wararka ayaa sheegaya fadhiga maxkamadda uusan joogin wax Qareen ah oo difaacayey, Wariye Coldoon, taas oo ay walaac xoogan ka muujiyeen qoyskiisa.
Cabdimaalik oo xabsiga ku jiray in ka badan 6 bilood ayaa loo heystaa eedeymo ka dhan ah Dusiga Abaarso oo ku yaalla hargeysa.
Xarigga Wariye Cabdi Maalik Sheekh Muuse (Coldoon) ayaa waxaa si aad ah u cambaareeyey dad badan.