Ganacsade Somaliyeed oo Lagu Dilay Magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa

Wararka ka imanaya Magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa ayaa Sheegaya in xalay Muwaadin Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa lagi dilay  dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Aadan, sida ay  sheegeen Ganacsato kale oo ku sugan halkaasi.

 

 

Wararka ayaa sheegaya in Marxuum Maxamuud Maxamed lagu dhex-dilay Dukaankiisa oo ku yaalla deegaanka Danoon oo qiyastii 21 KM u jira magaalada Cape Town.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ka dib dilka ay kooxaha burcada ah dhac baahsan ay u geysteen dukaanka marxuumka, ayna ka qaateen lacag iyo Agabyo kale.

 

Goobta waxaa sidoo kale goor dambe gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Koonfur Afrika, balse ma jirto cid ay usoo qabteen dilkaasi.

 

 

Koonfur Afrika waxaa bilihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka iyo boobka lagu hayo Soomaalida ganacsiyada kala duwan ku leh magaalooyinka dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker