Dawlada Turkey oo Mareykanka Siisay Digniin la Xidhiidha Khubrus
Dowladda Turkiga ayaa ka digtay in tallaabada Mareykanka uu ku qadayo Cunaqabateyn hub oo sanado badan saaran dalka Qubrus ay noqon doonto “halis xaaladda sii xumeysa.”
Congress-ka Mareykanka ayaa Talaadadii u codeeyey in lasoo afjaro xayiraadda saaran jasiiraddan oo Lagu soo rogay 1987-kii, si looga fogaado tartan dhinaca hubka ah.
Qubrus ayaa laba u kala qeybsaneyd tan iyo sanadii 1974-kii, markaasi oo Turkey-gu uu qabsatay qeyb ka mid ah, ayada Dawladii Turkiga ee Wakhtigaasi kaga jawaabeysay Afgambi uu ka dambeeyey taliskii militari ee Greece-gu.
Go’aanka dowladda Mareykanka “ma yeelan doono Natiijo aan ka ahayn inuu wiiqo dadaallada xasiloonida gobolka, iyo inuu Abuuro halis darran” waxaa sidaas lagu yidhi bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Turkey.
Tallaabada Mareykanka ayaa lagu Ansixiyey ayada oo qeyb ka ah sharciga miisaaniyadda Gaashaandhigga, oo ay Ansixiyeen labada aqal ee congress-ka Mareykanka, islamarkaana la filayo in uu Saxiixo madaxweyne Trump.
Xidhiidhka Ankara iyo Washington ayaa maraya heerkii ugu hooseeyey taariikhda.
Waxaa jira Arrimo dhowr ah oo labada dal ay isku khilaafsan yihiin, waxaana ka mid Taageerada Mareykanku siiyo maleeshiyada Kurdish-ka Syria, oo Turkey-gu ay u aragto Argagixiso, iyo soo iibsashada Ankara ee habka gantaallada difaaca Ruushka ee S-400.