Wafti ka socda Eritrea oo gaadhay Magaalada Adiss Ababa ee Ethiopia

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa toddobaadkii tagey ballanqaaday inuu wafti u dirayo Ethiopia.
Ballanqaadka Afwerki ayaa jawaab u ahaa mid hore oo uu sameeyey ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee Ethiopia Abiy Ahmed, kaasi oo sharfaya heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen sanaddii 2000 ee lagu soo geba gebeynayey dagaal xudduuda ka socday laba sano.
Ethiopia ayaa muddo diidaneyd inay aqbasho qodobada heshiiskaas, oo ay ku jirtay inay ka baxdo magaalada xuduudda ku taal ee Badme.
Eritrea oo horey u ahayd gobol ka tirsan Ethiopia, ayaa go’day sanadii 1993-kii.
Xigasho (VOA)