Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo sheegay inuu wadahadallo xabbad-joojin ah la furayo TPLF

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay jiri doonaan wadaxaajood xabbad-joojin ah oo dhexmari doona dowladdiisa iyo ciidamada kasoo horjeeda ee Tigreega oo dagaal ku jiray ku dhawaad 15 bilood, sida uu wakaaladda AP u sheegay guddoomiyaha koox qurbojoog ah oo kulan gaar ah la qaatay.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed weli meel fagaare kama sheegin hadalkan oo kale, iyadoo dadaallada dhexdhexaadinta caalamiga ah ay socdaan.

Mesfin Tegenu, oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha Mareykanka iyo Itoobiya, ayaa Talaadadii ku tilmaamay qaabkii kulan shanta saacadood qaatay oo Sabtidii uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha ” rabitaan dhab ah oo lagu joojinayo dagaalka’, taaas oo uu rajenayo in dhinaca kale ee TPLF ay iyaganu raalli ka yihiin wadahadalka.

Waxa uu sheegay in Abiy u sheegay inay jiri doonaan wadaxaajooyo uu ku tilmaamay kuwa macquul ah oo ‘ilaalin doona danta guud’ ee qaranka.

Ma jiro wax hadal ah oo markiiba kasoo baxay afhayeenka Abiy, Billene Seyoum, ama afhayeenka ciidamada Tigray Getachew Reda oo ku saabsan warbixinta Mesfin Tegenu ee ah in Ra’isul Wasaare Abiy diyaar u yahay wadahadal uu la galo TPLF.

Maraykanku wax tafaasiil ah kama bixini Ergayga Geeska Africa David Satterfield oo booqashadii ugu horreysay ku tagay Itoobiya toddobaadkii hore. Shalay ayay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee mareykanku sheegtay inuu u safri doono Masar, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Israa’iil illaa 4-ta Febraayo si uu ugala hadlo guud ahaan Suudaan iyo Geeska Afrika.

Qiyaastii tobannaan kun oo qof ayaa lagu dilay dagaalka Itoobiya, malaayii kalena waa ay ku barakaceen, iyadoo ilaa 6 milyan oo qof oo Tigray ah ayaa weli ku jira go’doomin dowladdu meesha uga saartay inta badan cunto gargaar, daawooyin, lacag caddaanka ah, shidaal iyo agab kale oo si aad ah ay ugu baahan yihiin dadka gobolka Tigreega.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker