South Africa Oo Wafti Raali galin ah u diraysa 7 Dal , Balse Ka Reebtay Dalka Somalia

Dawladda Dalka South Afica ayaa la sheegay inay waddo Tallaabo ay ky Raali galinayso Wadamada Dadkooda lagu dhibaateeyay Wadanka Koonfurta Africa.

Balse Dadka Soomaalida ah ee ay Dhibaatadu sida wayn u gaadhay ayaa arrintan la fajacay.

Talaabadan qalbijabka ku noqotay Somalia ayaa ah in liiska dalalka ay booqanayeen koox reer South Africa ah oo uu magacaabay Madaxwaynaha dalkaas laga reebay Somalia,

waxaana kooxdan ay dalalka ay booqdaan gaadhsiin doonaan dareenkooda ku aadan sida ay uga xunyihiin dadkoodii ku nafwaayay, iyo hantidoodii lagu burburiyay intii ay socdeen xiisadaha Ajinabi Nacaybka ah ee ka aloosan South Africa.

Wafdigan oo booqan doona 7dal oo African ah oo kala ah Nigeria, Niger, Ghana, Senegal, Tansaaniya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo iyo Zambia ayaa dadka dalalkaas u xaqiijin doona “in Koonfur Afrika ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka Afrika”, ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Koonfur Afrika.

Dalka Nigeria ayaa ah dal uu wafdigani mudnaan siin doono, sababta oo ah Nigeria oo si wayn u cambaaraysay falalkaas, xidhiidhkii dublamaadsiyadeedna u jartay South Africa aawadeed.

Vusumuzi Sibanda, oo ah gudoomiyaha Madasha Qurbajoogta Afrika, ayaa u sheegay in hawsho ay ka culus tahay tacsi iyo dareen la isla wadaago loona baahan yahay in ciidamo boolis ah la hawlgaliyo si xiisadaha loola tacaalo.

Sidoo kale sabata ay wafigani u booqan wayeen dalalka Mozambique, Zimbabwe iyo Malawi – oo ah waddamada ay muwaadiniinta ugu badani ka joogto South Africa ayaa su’aal laga keenay.

Si kastaba ha ahaatee, arinta Somalia ayaa ah mid muujinaysa tayo darada dawlada Somalia oo ah mid aan wali awoodin inay la xisaabtanto dalalka caalamka ee dadkeeda lagu waxyeelo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker