Faahfaahinta kasoo Baxaysa Tirada Dhimashada ee Dibad-yadii Lagaga soo horjeeday RW Abiy Axmed
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo rabshado wata oo maanta ka dhacay Itoobiya, kaasoo looga horjeeday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay taageerayeen siyaasi mucaarad ah oo leh warbaahin Jawar Maxamed kadib markii uu Jawar sheegay in dowladu ay qorsheyneyso in laga qaado ilaaladiisa gaarka ah.
Dibad-baxyadan ayaa ka dhacay dhawr magaalo, waxaana magaalada Adama ku dhintay laba qof, halka uu qofka sadaxaad uu ku dhintay magaalada bariga ku taal ee Harar, Iyadoo ay magaalada Ambo ee galbeed magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ay rabshadahaasi ku dhaawacmeen sadax qof oo kale, sida ay saraakiisha Itoobiya sheegayaan.
Dad caraysan ayaa gubay buugga uu dhowaan soo saaray Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee dhowaan ku guuleystey abaalmarinta Nabadda.
Dadka banaanbaxyada dhigayay ayaa ku dhowaaqayay halkudhegyo ay ka mid yihiin ha dhaco Abiy.
Banaanbaxyadan ayaa waxa ay ka qarxeen magaalooyinka ku yaal gobolka Oromia iyo caasimada Addis Ababa halkaa oo uu ku nool yahay Mr Jawar oo sanadkii hore ka soo laabtay masaafuris.
Magaalada ku taal bariga Itoobiya ee Dadar ayaa dadka banaanbaxayay waxa ay gubeen nuqulo ka mid ah buugga Mr Abiy kaasoo la daabacay kadib markii uu ku guuleystey billada Nobel 11kii bishan Oktobar.
Taliyaha ciidamada Booliska Itoobiya Endeshaw Tasew ayaa amray in ciidamadu ay dib u furan wadooyinka soo gala magaalada caasimada ah.
Taliyaha Booliska Itoobiya ayaa sheegay in ammaanka dalka Itoobiya uu wanaagsan yahay sidaa darteedna aan loo baahnayn ilaalo gaar ah inay yeeshaan siyaasiyiinta.
Banaanbaxyadan ayaa ku soo beegmaya xilli uu ka maqan yahay dalka Itoobiya dalkiisa isagoo ka qeybgalaya shirka ka furmay magaalada Sochi ee dalka Ruushkaa kaasoo u dhexeeya madaxda dalalka qaaradda Afrika iyo dowlada Ruushka.