Talyaaniga oo jinsiyad siinaya halyay arday badbaadiyay

Arday badbaadiyay ardaydii ay wax isla baranayeen oo la sheegay in la afdubtay ayaa la siinayaa dhalashada Talyaaniga, sida uu sheegay Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalkaas Matteo Salvini.

Ramy Shehata ayaa garaacay gambaleel ku qarsoon saacaddiisa ka dib markii darawalkii baska waday uu afduubtay.

Isaga iyo ardaydii kale ayaa baska ka daatay ka hor intii aan dab lagu qabadsiin meel u dhaw magaalada Milan.

Salvini ayaa sheegay in wiilka yar uu mutaystay in muwaadinnimo lagu siiyo geesinimada uu muujiyay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ansa.

“Waa in muwaadin laga dhigaa Ramy sababtuna waxay tahay waa in uu yahay wiilkayga oo kale oo u istaagay qiyamka dalkiisa,” ayuu Salvini u sheegay wakaaladda wararka ee Ansa.

Ramy oo aabihii ka yimid Masar sannadkii 2001 ayaa la sheegay in uu ku dhashay Talyaaniga balse waxaa lagu warramay in uusan waligii helin sharci rasmi ah.

Sharciga Talyaanigu wuxuu dhigayaa in carruurta ay soo galootigu dhalaan aysan muwaadiniin noqon karin tan iyo inta ay ka gaarayaan 18.

Adam El Hamami oo sidoo kale ah soo galooti ka soo jeeda Morocco ayaa sidoo kale saacaddiisa adeegsaday si uu masuuliyiinta si qarsoodi ah ugu wargaliyo waxa dhacay.

Aabihii Khalid El Hamami ayaa sheegay in wiilkiisuna uu u qalmo in la siiyo dhalashada Talyaaniga.

“Adam wuu ka carooday in qof walba uu ka hadlayo ardayga kale xataa iskuulkooda, isna aan la soo hadal qaadayn,” ayuu yiri aabihii.

Masuuliyiinta Talyaanigu kama aysan hadlin in Adam la siin doono baasaboorka Talyaaniga.

Ramy ayaase toddobaadkii hore loo sheegay in masuuliyiinta dawladdu ay siin doonaan dhalashada, balse Salvini oo ah hoggaamiyaha xisbiga soogalootiga ka soo horjeeda ee League ayaase la sheegay in uu ka biyo diidanaa in wiilkaas il gooni ah lagu fiiriyo.


@ BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker