NABADDA WAXA KEENA DAD AAD U BADAN IYO JUHDI IYO SOO JEED IYO KHARASH BADAN HALKA COLLAADDA UU QOF QUDHI DAQIIQAD GUDAHEEDA DAGAALKA QARXIN KARO.

Waynu wada ogsoon nahay collaaadda degmada CEEL-AFWEYN iyo tuulooyinka ku wareegsan ay wada degaan beelaha walaalaha ahaan jiray ,  sannadahan u dambeeyey na ay collaadu ka dhex aloosnayd welina collaaadda u kala fadhiya.

Adduunkoo dhan markuu (crime=dhagar) dhacdo baadhidda iyo suulinta arinta wada qudhaa la maraa.  FAL-DEMBIYEED KA qofkii ama qofafkii falay ee bilaabay ee hadduu heshiis jiray jebisay baa la soo qabtaa, dembi baadhid rasmiya la mariyaa ciddii kula lug lahayd qalbigiisa lagasoo saaraa, hadduu (voluntarily) U sheegi waayo habab CID) U sahlan oo ay uga soo saari karto wuxuu qalbiga ku qarinayo ayaa jirta. Xukuumadda Kulmiye collaadda CEEL-AFWEYN intii hore oo dhan MILIL KORKII BAY DHAYEYSAY oo dembi baadhis may geli jirine waxaa la geli jiray casuumado, hablo la isa siiyo iyo aroos yo cid kasta oo meesha tagta oo habeen dhax kharashi u socdo, barjayn iyo macawiso (entertainment) noocaas ah baa la geli jiray, waxaa lagu soo afmeeri jiray collaaddaa in la soo ururiyo odayaal labada reer ka soo kala jeeda oon ahayn kuwii fal dembiyeed ka geystay aan geysana doonin faldamiyeed. Markaasaa midea been weyn lagu luuqadayn jiray COLLAADDII CEEL-AFWEYN WAA LA SOO AF JARAY. Raggii dambiilayaasha ahaana hotel ayey iskaga jirijireen lama agmari jirin sidaasay collaadu usoo noqonaysay.
MAANTANA WAA KAA TEGAYEYE TOOKHA INA KAAHIN.
HALKUU XAAJADA KA TUMAYEY TUUR KA LEEDAHAY.
Waxaa laga sanqadhinayaa dagaalka CEEL-AFWEYN waan joojinaynaa kol hadduu dagaalka TUKA-RAQ inagu socdo laakiin waxaa dhaba fal dembiyeed kasta haddii laga baydho habka caalamiga ah ee loo suuliyo hubaal wuu soo noqonoqdaa. Markaa DAGAALKA CEEL-AFWEYN wuu soo noqonayaa waayo raggii dagaalka iyo dilka geystay ee dhaartii odaydu galeen buriyey ayaa weli hotelo ku jira oo subax kasta beer geel ku quraacda.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker