Diyaarado Dul Heehaabaya Boosaaso iyo Saraakiil Caddaan ah oo Ku Soo Daatay.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa kulamo xasaasi ah kuleh saraakiil ka socda ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda iyo madax ka socota dowladda Puntland.

Saraakiisha ka socota Midowga Yurub ayaa shalay  waxaa Dekada Magalada Boosaaso keenay Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada la-dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida, waxaan wararka la helayo ay sheegayaan in shirka ay ilaalo ka yihiin diyaarado,kuwaas oo lagu arkayo hawada Magalada Boosaaso.

Warar xogagaal ah ayaa sheegaya in shirka diirada lagu saarayo sidii Puntland iyo Saraakiisha Midowga Yurub isaga kaashan lahaayeen la-dagaalanka burcad Badeeda iyo ilaalinta Maraakiibta kusoo xirata dekadda Magalada boosaaso.

Ma ahan kulankii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ka dhaca gudaha magaalada Boosaaso, waxaana xusid mudan in Xeebaha dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin Maraakiib Shisheeye oo qaarkood ka kalluumeysta qaarna ay yihiin kuwa Midowga Yurub ee la-dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker