Cudur aan la garanayn oo ay dad ugu dhinteen Tanzania

Mas’uuliyiinta dowladda Tanzania, ayaa baaraya cudur aan la garanayn oo sababay dhimashada shan qof.

Labo isbitaal, ayaa la dhigay dad kale, kuwaasoo ku yaalla gobolka Kagera, ee waqooyi-galbeed ee dalkaas.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka, ayaa lagu sheegay in 7-da qof la rumeysan yahay in ay ka muuqdaan calaamado, ay ka mid yihiin qandho, matag, dhiigbax qeybaha kala duwan ee jirka iyo kelyaha oo istaagay.

Maamulka gobolka Kagera, ayaa dadka ka codsaday in ay isdejiyaan, inta natiijada baaritaanada la sugayo, iyadoo baraha bulshada ay dadku kaga doodayaan dhimashada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker