Soomaalidu hogaaminteeda wax haka bedesho

Siyaasiyiinta Soomaaliya waxay yidhaahdaan reer Somaalilaan haday ku qancayaan xitaa kursiga ugu sareeya Madaxtinimadda Faddaraalka Soomaaliya waanu siinaynaa, reer Somaalilaan iyaguna waxay leeyihiin Buus! Maamulkii Hawada ee aanu Shisheeyaha idin kala soo dhicinay Hargeysa ha la keeno, wuxuu ka mid ahaa  heshiiskii ugu horeeyey ee wadahadalada kasoo baxay. Dumar meher baa xidha Dawladona heshiis. Soomaaliya ma doonayso inay Somalilaan wax ku darsato, waxayse u egtahay inay u hamuun qabto inay maamusho Somalilaan. Qolyihii wareejiyey maamulka hawadu waxay doonayaan mar haday cuni waayeen inay Soomaali ka Ciideeyaan iyagoo ka faa’ideysanaya muranka Muqdisho iyo Hargeysa.

Col iyo Nabad kay doonaan Somaaliya iyo Soomaalilaan ha ahaadeene, miyaanay masuuliyada Hogaamiyayaasha ahayn maadaama aanay Turjumaan u baahnayn Xilna saaran yahay in mar walba Taleefanku isu furnaado?. Waxaan la hurayn horaa loo yeelaa. Labada dhinacba waxay dani ugu jirtaa is ixtiraam iyo asluub sami. Madaxdii hore wakhti badan bay hore shacabka uga lumiyeen, meel ka hoosaysa oo Umaddi gaadhaa ma hadhin, markan debecsanaan iyo feejignaan wax daweysa ayaa madaxda looga fadhiyaa.
Waa inaynu iska dhowraa Hawada beenta ee Dowdarka Qalbi dhagax oo kale, waxaa loo maaro la’ yahay labadii Soomaali ee hore u midoobey, isna wuxuu ka hadlayaa Shan Soomaaliyeed oo midooba, weliba dhulkii Canfarta iyo Ciisaha ee Jabuuti wuxuu gefkiisa ku sheegay dhul Soomaaliyeed. Waa wakhtigii Soomaalidu is dhuudhuubi lahaayeen. Hadba sida loo jabo ayaa loo dhitiyaa.

Markaan daawado Baanbooydii iyo Ciidamaddii Bilayska Qaranka somalilaan oo midab u eg calankii Soomaaliya ku lebisan waan shakiyaa, waxaad Gobol kasta ku arkaysaa Degmooyin la yidhaahdo Oktoobar oo ay madaxdii dalku iska naceen inay ku bedelaan Ramadaan, May ama Juun, waxaa weli Jira Iskuullo loogu yeedho Siyaad, halkay beri hore u bixin lahaayeen Ibrahim Meygaag, Axmed Aadan Qaybe, Xasan Sh Muumin, Maykal Maryana, Cabdilaahi Qarshe, hebello iyo heblooyin. Madaxda Somalilaan wuu yaryahay mid aan ku xaragoon Suudh Buluug ah iyo Shaadh cad.

Reer Soomaaliya midnimo ayay doonayaan iyagoo aan damaanad qaadi Karin amniga muwaadiniinta, iyagoo aan doorasho qof iyo cod ah qaban karin, ka hadalka horumar aan nabadi jirini tahay dhalanteed, iyaga oo weliba
horumarka Somaliland tijaabinaya inay ugu bedelaan xasilooni darro, iyagoo wasiirka Qorshaynta iyo Madaxweynayaashu  isku raaceen dagaalka ka dhanka ah horumarka Somaliland, isagoo Wasiirkii Warfaafinta ee Buntilaan usoo hanjabaya Wasiirkii Warfaafinta ee Fadaraalka. iyadoo aanay kala dambayni ka jirin inta badan madaxda iyo maamulka Soomaaliya. Dookhoodu waa Gar xumo.

Waraaqaha qaadhaan bixiyayaasha ee loo ekaysiiyey Raysal wasaare ku xigeenku inuu ugu soo dagaalamay Somalilaan siday u heli lahayd deeqda qaybteedii gaarka ahayd, ee weliba hadana Duufaanadii Milyanka doolar lagu soo saxeexay isla Qalinka Raysal wasaare ku xigeenka, farta fadaraalku waxay u egtahay mid u qoran  hoos u dhiggida madaxda Maamulka Jamhuuriyadda Somaalilaan iyagoo qurxinaya Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, si kastoo Wasiir Maareeye ugu doodo Shacabka Soomaalilaan marnaba wax ka bedelimayso Kalsoonida dadweynuhu ku qabo Madaxda la soo doortay ee Somalilaan. Laabi laba u la’.

SNM markay rajiimkii kacaanka ee keli taliska ahaa waddanka ka xoraysay, waxay u dhaqantay sidii Jabhad Nabad doon ah, Walaalnimo, Dimuqraadiyad iyo horumar ayay higsigeeda ka dhigatay, Dawlada Xamar iyada ayaa ka goosatay Jabhaddihii ( SNM, SPM, USC ) soo halgamey, iminkana haddii adyad iyo riixriixa laga deyn waayo Somalilaan, dhinac xun bay yeelan kartaa, waxayna ku cadaadin kartaa in ciidanka iskaga soo horjeeda Ceel afweyn, Fadhi gaab, Dhidinka, Marqo cad, Darar weyne, laasdoomaare, Ceel lahelay, Ceel nimcoon, Bohol iyo Siigo dheer in Tamartooda laga faa’ideysto iyadoo xeryaha tabobarka la geeynayo, hadhoowna la soo celinayo iyagoo Dhoor Cawaandi leh dhinac kastana u qarxaya.

Taliyaha Ciidamada Bariga Somalilaan, Janaraal Cali Barre markuu hadlayo wuxuu hadalka Carrabka ugu adkeeyaa culayska Masuuliyadda saaran ee ah ” Ilaalinta Sharafta Shacabkiisa iyo dhowridda jiritaanka Qarannimadiisa oo mudan in lagu mintido “.

Bashiir Tarabbi Oogle,
bogleh69@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker