Gudida dhex-dhexaadinta Muranka Komishka waa sheekooyinki Juxa.

Waxaan xasuustay Sheeko aan aakriya waa hore.
Ninkii juxa ee mujaribka ahaa ayaa Tuulo uu daganaa ka Furtay Cusbitaal noociisu deegaankiisa ku Cusubyay.
Wuxuu kadinka hore ee Hospital-ka ku qoray Xanuun kasta oo ku haya waa lagaa dawaynayaa waana 20 Diinaar , hadii aad ku bogsanwaydo daawaynta laguu sameeyo lacagtii kaa baxday Laban-laabkeed ayaa laguu celinayaa (40 Diinaar).

Dadkii deegaanka ayaa u wada riyaaqay Hospital-kan iyo hawshiisa.
Nin ka mida dadkii Deegaanka oo bukaan socod ah oo ka cabanaya in dhadhankii iyo urti ka tagtay, in la daweeyana ay adkaatay ayaa doonay inuu ka warkeeno dhakhtarka juxa.

Juxa ayuu utagay waxaanuu usheegtay Xaalkiisii iyo xanuunkiisii, waxaanuu bixiyay 20 kii diinaar , wuxuu se rajaynaa inuu heli doono 40 diinaar haduu bogsan-waayo.!

Juxo ayaa uyeedhay Kalkaalisadii Hospitalkiisa waxaanuu udiray inay ukeento qasacad ay ku jiraan 20 xabo oo kiniika cad cad ee aadka uqadhaadh ah,
Inantii waa ukeentay Juxo Intuu furka ka gooyay ayuu labaatankiiba Marqudha Afka ugu shubay ninkii bukay .!

Ninkii xanuunsaynay ayaa dhaguhu dilaaceen qadhaadhkii oo qasab lagu liqsiiyay 20 xabo . Wuxuuku waashay alla qadhaadhaa Alla qadhaadhaa.

Ninkii juxo intuu qoslay ayuu yidhi saw ma qadhaadha, odaygii ayaa yidhi “Haa”.
Juxo ayaa yidhi ok hada ayaad dawowday oo dhadhankiina kuu noqday .!

Gudida Dhexdhexaadinta ee is xilqaantay muranka Somaliland Comission-ka malaha waxay ku dabaqeen Qaaciidadii juxa Hospitalkiisa.

W/Q: Abdirashiid Muuse Adan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker