Dagaal xoogan oo mar kale ka qarxay xarunta dalka Sudan

Iska horimaadyo ba’an oo u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga Taageerada degdega ah ee kasoo horjeeda, ayaa mar kale ka qarxaymagaalada caasimadda ah ee Khartoum, iyo magaalooyinka deriska la ah Omdurman iyo Bahri, ee dhinacyada wabiga Nile.

Ciidamada ayaa sii wada weerarada dhanka cirka ah, waxaana dadka guryahooda gabaad ka dhiganaya ay maqlayaan qaraxyo waaweyn.

Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ee Darfur, ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay agagaarka magaalada el-Genena, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ku dhinteen in ka badan 350 qof.

Waxaa soo baxayay warar aad u badan oo sheegaya in maleeshiyaad carbeed oo taabacsan RSF-ta ay weerar, dhac iyo gubidba ku qaadeen guryo.

Dhakhaatiirta caafimaadka, ayaa sheegay in nidaamka caafimaadka ee Darfur uu gabi ahaanba burburay.

Labada dhinac ee dagaallamaya, ayaa ujeedkoodu waxa uu yahay inay ku wada hadlaan Sucuudiga, balse ilaa hadda waxaa la jabiyay dhammaan ballan-qaadyadii ahaa in la ilalaiyo dadka rayidka ah, iyo in la isla oggolaado in gargaar bini’aadannimo la gaarsiiyo dadka shacabka ah ee dhibaateysan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker