Somaliland oo Sharraxday Asbaabaha Loogu Kala Kacay Shirkii u Socday Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga JSL Md. Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ah Guddida farsamo ee wadahadalka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa ku eedeeyey Guddidii metalayey Soomaaliya in aanay go’aan gaadhi karin isla markaana aanay isku kalsoonayn.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shirkii u socday labada dal uu Caawa Fiidkii istaagay markii Soomaaliya ay noqdeen hor iyo dabo-diid isla markaana ay ka warwareegeen inay ayidaan qodobbadii Jamhuuriyada Somaliland ku doodaysay.