Safiirada Jarmalka Annett Günther warkeedii sarbeebta ahaa …. See Arrin Yahay?!
Warkii oo fidsan ragii subax walba usoo kalahi jiray cayda AL-Xaaji Axmed Silaanyo iminka waxay usoo kalahaan eryasho xeel dhigalaysan oo Marxaaum Maxamed Siyaad ( AHUN ) qabri loogu dhaadhacayo muwaadin qoladaa qabri fadhato loona yaqaan Heego Cabaadweyn hadaad Marxuumkaa la eryatid iyadoo waxaagii la cunayo ogow Muwaadin adna Marxuum nool baad tahaye …….. Yeelkeede.
Waa kuwii safarka ugu baxay Nairobi Kenya Macaali Wasiir Kaahin , Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Macaali Raysal Wasaare aan la caleemo saarin Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale nimankaa Akhyaarta ah ooy weheliyaan waxooga badhiwalayaal ah oo agaasimayaal lagu sheego isku hal qabiil ah qabiilka horjoogaha Heego Jaalle Muse Pilot …………… Ragu waxay iska dhaadhiciyeen inay beesha caalamka oon dal waynaha Ingriisku ku jirin ka dhaadhicin karaan in laba xisbi doorasho geli karto , Waayo Ingriisku tiroba 5 jeer in ka badan ayuu Safiirkoodu yimi iyakoo ka dhaadhicin kari waayey in laba xisbi doorasho gasho marna been cad u sheegay ooy markii dambe dafireen oo ah saami qaybsigii iyo gudidii doorashada arrinkoodii waa laga heshiiyey ayey ku yidhaahdeen Safiirka ingiriiska….. Maanta ayaanu ogaanay ninka been abuurkaa ku lug lahaa waa ninka xafiiska Ingriiska ee Hargeysa fadhiya Mr . Stuart Brown gadaal baanu ka sharixi donaa waa ninkay Heego isticmaashay….
Dib ugu noqo Nairobi Kenya waxa u suurto gashay Jaalle In Kaahin , Jaalle Ina Cali Waraabe iyo Jaalle Ina Samaale inay arkaan safiirada deeq bixiyayaasha u fadhiya Nairobi Kenya arrinkii laba xisbi inay doorasho ku galaan ayey hor dhigeen waar nimankii intii si fiican loo dhagaystay ayuu safiir ka mid ah safiirada dalalka Nordic ka ee Scandinavian -ka laysku yidhaah waxba sheegi mayno dalkuu ahaaye uu ku jeestay Jaalle Macaali wasiir Maxamed Kaahin Axmed markaasu ku yidhi Korneyl Kaahin mar hore ayeydun adiga iyo saxiibkaa Korneyl Muse Biixi Cabdi dagaal sokeeye ka rideen Somaliland ma mar kale ayeydun dooneysaan inaydun dagaal sokeeye ka ridaan hada waa bikalima wa xaraf waa runtii cadaanka lagu yaqaanay………… Ragii haghago iyo qosol gariir ayaa ku dhacay waxynaa bilaabeen inay yidhaahdaan Sheekh Cabdiqaadirow Doli naga dhig halkii bay kasoo baxeen ………….Wa marka uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Mikirifoon walba qabsaday isagoo leh Gudoomiye Dr. Cirro ayaa beesha caalamka nagu diray qaarbaa markaa video uu leeyahay Gudoomiye Faysal Cali waraabe kuna sheegayo si cad in Jaalle Ina Kaahin iyo Jaalle Ina Biixi ay dagaalkii sokeeye rideen intay turjumeen u diray deeq bixiyayaasha Caalamka waxay sheegatoba ha waydee waa lagu shareeraa …..
Safiirada Jarmalka Annett Günther ayaa doorkan budhtuur u ah beesha caalamka runtii Carwadan Bugaagta waa lagu kabayaa lakiin waxay u timi waa badhista miinada oo uu donayaa Jarmalku inuu lacag badan ku bixiyo Muwaadin lacagtaa waxaba ka arki maysid waayo Hay’ada waxa haysta wiil Heego ah miinada waxa la odhanayaa min xaafada 26 June ilaa Gabiley ayey ku jirtaa hada meesha buuxdaa waa bariga oo Burcaa ugu daran ….. Waxay kaloo ay u socotaa safiiradu mashruuc ah #Coexistence ama wada nolaasho iyo isku ag nolaasho ogow Muwaadin Beesha caalamku way ogtahay labada damood ee Hargeysa inay dawladu midna biyo siisay midna la yidhi iska oomanow ama roobka EEBE sug. Kudbadeedii safiirada ay ka jeedisay carwada bugaagta ee Hargeysa marka lasoo gabiyo waxay ahayd :
“#Coexistence should not merely be understood as living alongside each other. It should always entail the ambition of finding common ground, making compromise and build upon it to allow all parties to live #TOGETHER ! — German Ambassador @Annett Günther at #HIBF2019…………
Safiiradu sidaad aragtaan iyadoo og inay xumadaysan tahay Somaliland oo walwal xagaa ka jiro waxay tidhi Wada nolaashuhu maha in la isku ag nolaado lakiin markasta waa inuu wataa han ah in wax la wadaago meel dhexe layskugu yimaado laysku tanaasulo sidaana ay ku dhisaan dhamaan darfyada kala duwani nolaashiinyo wadajir ah ………. Safiirdaay ” warte doch mal . Sie spricht über mensch , wir haben zu tun mit Herr Muse Pilot , er ist keine normal mensch … Verstehen Sie Spaß ! ” Waar Jaalle Muse Pliot cay buu u yaqaan isku tanaasul iyo waxan ay ku hadleyso safiiradu.
Qolada Xisbiga Waddani waxaanu odhan lahayn safiirada Frau Annett Günther siiya hadyad hidaha iyo dhaqanka Somaliyeed munaasabada maalinta dhalashadeeda oo inagu saw dhaw waxay dhalatay safiiradu 18 August Geburtstag -ta maalintaa dhalashadeeda kor u qaada intaasay wax ina siinayeen ee ama Heego wax siinayeen ee .
Waxaanu maqalay Jaalle Muse Pilot oo leh Wiil Somalilander ah ayey Somaliya tacliin u diiday ku tidhi Somali ma tihid markaasu wiilkii tahriibay 13 sedex iyo toban dal soo maray warkaa waxa wadaadka gaadhisiiyey Jaalle Maxamed Cali Bile iyo Jaalle Mubaarik Taani oo odayga iskugu sheegay khubaraa Social Media ah Muwaadin Wiilka yar ee 13 dal tahriib ku maray ee ka hadlaya Social Media horta marka hore looga qateen ma yahay see Buufis intee le’eg baa haya Muwaadin ma sheeko Madaxweyne dhan oo dal gole la soo istaago miyay tahay mida kale sawtan raadkii Dugsigii farsamada gacanta Burco weli qoyan yahay mida kale maxay u aflagaadeynayaan iyakaa Jaalle Muuse Pilot warka usoo dhiibay ee maxay u leeyihiin Jaalle Maxamed Cali Bile iyo Jaalle Mubaarik Taani Beelweynta Garxajis ee wax tabaneysa ayaa Xamar Waxbarasho ka barida inkastoo Beelweynta Garxajis ay labada wiil ugu jawaabtay :
التجاهل صدقة جارية علي فقراء الأدب
Inaad waxba kasoo qaadin warka qolada fuqra’aa aladaabka ah ama adaabta ka aradan waxay kuu tahay sadaqa jaariya Allah sadaqa Jaariya ha uga dhigo Beelweynta Garxajis labada wiil haday Fuqar’a aladab noqdeen. Wiilashana waxaanu leenahay Alle magane maxaa idiin geeyey ceebta mooskiina taal.
Hal qof buu ka hadlayaa Jaalle Muuse Pilot oo waxbarasho loo diiday ee bal aynu ku noqono Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Burco halkaas oo uu ku jiro ardaydii ka aflaxday Sareeye Gaas suldaan Ismaacil Suldaan Cali Suldaan Madar Dugsigaa Frasamada Gacanta Burco oo sidaydun aragtaan qaraabo dhaw la ah Cumaamada reerka Suldaan Cismaan Suldaan Cali suldaan Madar حفظه الله ورعاه oo uu hogaamiyuhu walaalkii yahay lakiin waxaan la yaabanahay inaanu maalina Suldaanku codkiisa kor u qaadin dulmiga Dugsigaa ku dhacay ileen xigtoba baniyaalku waa iskugu xuberaan ee……..
Wafdigii Nairobi ku maqnaa ee uu Raysal Wasaare Cabdicasiis Maxamed Samaale hogaaminayey ayaa Hargeysa ku soo noqday iyakoo wadhi kasoo raacday Nairobi Kenya oo lagu soo yidhi dib ha ugu noqonina WAR LORD nimadii.
Waxay la kulmeen qolo Jarmal ah oo markaa Hargeysa timi oo la yidhaah Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit (GIZ) ama Hay’ada Wada shaqeynta Caalamiga ah kuwaasoo mudo dhawr sanadood ah nin Garxajis ihi daba socday ooy xukuumadii AL-Xaaji Silaanyo u dirtay si ay u dayac tiraan Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco ………… Raysal Wasaare aan la caleema saarin Cabdicasiis Maxamed Samaale wuxuu dalbaday inuu isagu arko wafdiga Jarmalka ah ninkan Jaalle Samaale Wuu ka awood badan yahay Wasiir kasta oo Garxajis ama Habar Xabuusho ah ogow Muwaadin ……. Waar adigu wafdigii waxa arkay isaga Macaali wasiir Diiriye Mr. Murdiye ka warfaafinta , Macaali wasiir Sacad Cali Shire , Laba agaasime guud ka Qorshaynta iyo ka khaarijia oo Heego ah gidi waa hal beel Burco afaaraheeda shuqul kuma laha waa wada JigJiga Yar iyo dayacantaa Jaalle ina Cali shire ee dhex fadhiya Wafdigii Jarmalka ahaa waxa loo sheegay in meeshu amaan ahayn Burco la yidhaah niman horror ah oo la yidhaah Garxajis Iyo Habar Xabuusho degan yihiin mar mar isku yaaca amaanka ardaydu khatar geli karo markaa hay’ada waxa la yidhi halkan caasimada ee amaanka ah ee dadkii oo dhami degan yihiin nooga dhis dugsiga markaa waa la garan la’ayahay amaan darada Burco lagu sheegay ma arrintii Nairobi iyo war lords buu iska bareejeynayey midakale mee Wasiirkii tacliintu oh My bad dee waa Garxajis Jaalle Muuse Pilot-ow imisa Somalilander oo Burco degan baad tidhi Somalilanders ma tihidin ood tacliin u diiday markaad Dugsiga Farsamada Gacanta U diiday imisaanu lahayn ka joog gole ceebeedka nin tahriibay buu lasoo cararayaa…………Iminka cidii damiir lihi waraaq ha u dirto ama email haya’ada kor ku xusan raaciya intaa khudbada safiirada ah ee kor ku xsun Wada nolaada iyo in ragii arkay ama qaabilay haya’ada ay hal beel ahayeen aan degaan ahaan kasoo jeedin Gobolka Raga ee Togdheer .
Hadii aanu ogoyn yaa haduu og yahayba Xisbiga Waddani ninka fadhiya xafiiska Ingriiska ee Hargeysa oo la yidhaah Mr. Stuart Brown ooy gacanta midig iyo gacanta bidix ba ku hayso Marwo Safiirad Ayaan Cashuur wuxuu caalamka ka dhaadhicinayey si dadban in Komishanka tuugta ah lagu heshiiyey inay doorasho qabtaan ee la sugayo uun Barlamaanka oo saami qaybsiga xaleeyaan waa kan warkiisu :
“Great to see live demonstration of #Somaliland voter registration today. Technical preparations are on track! Urge all political parties to now come together and support passage of electoral law to ensure overdue parliamentary and local council elections can take place this year.”
Waa qol been ah oo xafadaha shacabka guryaha dadku ku jiraan dabadooda halkii shaqaaluhu degi jireen oo ciyaal HEEGO ah la yidhi fadhiista Computers iyo night vision gear lagu sheegayo Iris Scan loo dhiibay nimanka meesha taagana waa kuwii doorashadii hore lagu xareeyey Jaamacada Hargeysa si ay ballots forgery ah u sameyaan , Muwaadin carwada buugaagta Hargeysa waxa kusoo hoos dhuunta niman calooshooda u shaqeysato Ingiriis ah sida Mr.Michael Walls oo lacag la siiyo waxay Heego tidhaah na caalamka ka iibiya ………..Waar xisbiga wadiniyow anaku maanta ninkaa qolo ku protest garaysa ayaanu u dirnay ee ku dhaha jooji warka aan sugnayn …….Waxaan islahaa laba maqaal oo la yaab leh oo Heego ah oo af Ingiriisi ah ka hadal lakiin mar kale Insha’a Allah …
Yours truly,
Von vaters für die kinder