Daawo: Al-bashiir Oo Hortegay Xeer-ilaalinta Dalkiisa Waxna Laga Waydiiayay Afgambigii 1989kii
Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar al Bashiir ayaa hortagay xeerilaalinta waxana Su’aalo laga waydiinayaa Afgambigii Uu Hogaaminayay ee uu talada ku qabsaday sanadkii 1989kii
Kulankan oo qaaatay mudo saacad ah ayaa waxa dibad joog ka ahaa qareenada Albashiir, waxana hadheeyay dibad-baxayaal ka soo horjeeda.
Albashiir ayaa iskii u go’aanaday inuu hor tago xeer-ilaalinta waxana ay tani la micno tahay inuu ku gacan saydhay taladii qareenadiisa ee ahayd in aanu hortagin xeerilaalinta
Haddii Mr Bashir lagu helo inuu ka dambeeyey afgambiga, waxa laga yaaba in lagu rido xukun dil ah ama xabsi daa’in.
Mr Bashir ayaa lagu hayaa xabsiga Kober oo ku yaala caasimadda Khartoum.
https://youtu.be/DBBxHxn6_EQ