Ruushka,Tirada dhimashada oo gaadhay 133 qof

Tirada dhimashada weerarkii hoolka Crocus Concert ayaa hadda gaartay 133, sida ay sheegeen guddiga baaritaanka Ruushk.

Iyadoo kooxaha gurmadka degdegga ah ay wadaan nadiifinta burburka goobta, waxay sii wadaan inay helaan meydad badan, guddiga ayaa sidaasi ku sheegay qoraal ay ku daabaceen Apka fariimaha eeTelegram.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku tilmaamay weerarka lagu qaaday hoolka uu ka socoday bandhig faneedka “fal argagixiso oo waxashnimo ah”.

“Cadawgayaga nama qaybin doono,” ayuu sidoo kale yiri.

Isagoo khudbad ka jeediyay taleefishinka qaranka, Putin wuuxuu mahadceliyay dhakhaatiirta iyo saraakiisha ammaanka ee caawiyay dhibanayaasha weerarkii Moscow.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker