Ardey macalimaddiisa ku dilay toori

Ardey wax ka dhigta mid kamid ah iskuullada sare ee dalka Faransiiska ayaa toori ku dilay macalimaddiisa oo luqadda Spanish-ka ka dhigaysay iskuul ku yaalla magaalada Saint-Jean-de-Luz.

Dacwadaha oogaha ee magaalada Jerome Bourrier ayaa wakaaladda wararka ee AFP iyo warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in arrinta ay saaka ka dhacday gudaha fasalka.

Mas’uuliyiinta waxay xaqiijiyeen in booliska iyo dacwad oogaha ay gaareen goobta ardeyga uu ku dilay macalimaddiisa.

Waxaana xabsiga la dhigay ardeyga.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in macalimadda oo da’deedu lagu qiyaasay 50’s ayaa u dhimatay wadno istaag kadib dhacdada xilli goobta ay soo gaareen shaqaalaha gurmadka deg dega ah.

Wargeyska kasoo baxa Faransiiska ee Sud Ouest ayaa ku warramay in ardeyga uu weeraray macalimadda oo cashar ka bixineysay fasalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker