Maxkamad ku taal Liibiya oo xukun ku riday shaqsiyaad dadka tahriibin jiray

Maxkamad ku taalla dalka Liibiya ayaa xabsiga dhigtay 37 qof oo lagu helay dambi ah tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka, ka dib markii ay dhinteen 11 tahriibayaal ah oo ku qaraqmay badda Mediterranean-ka.

Shan xubnood oo ka tirsan kooxda dembiilayaasha ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’in , kuwa kalena waxa lagu xukumay 15 sano.

Dhammaantood waxay ku hawlanaayeen abaabulka doon burbursan oo la rabay inay tahriibayaasha u qaado Talyaaniga.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in muhaajiriin badan ay halkaas kala kulmaan dhibaatooyin iyada oo si xun ay ula dhaqmaan kooxaha mukhalasiinta ah iyo gudaha xarumaha xabsiyada ee ay dowladdu maamusho.

Liibiya ayaa waxaa hareeyay colaado iyo fowdo tan iyo markii xilka laga tuuray korneyl Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker