Kenya:-Garsoore Dacwada ka Caawinayay Haweenay loo Haysto Dilka Saygeeda Oo Xabsiga la Dhigay.
Dawlada Kenya ayaa Xabsiga dhigtay Garsoore ka tirsan Maxkamada Nairobi kaddib markii lagu eedeeyay inuu caawinayay haweeney looga shakiyay dilka seygeeda oo meydkiisa laga helay mid kamid ah Haamaha biyaha.
Garsoorahan oo magaciisa lagu sheegay Sankale ole Kantai ayaana ka hadlin eedeynta loo haysto iyo inuu xiriir la lahaa haweeneyda lagu tuhunsan yahay dilka.
Bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii seygeeda, Tob Cohen oo ahaa ganacsade u dhashay Holland la waayay halka jaan iyo cirib uu dhigay muddo labo bilood.
Xaaska oo lagu magacaabo Wairimu ayaa sheegtay in wax lug ah aysan ku laheyn dilka seygeeda isla markaana hadda uu kiiska yaallo maxkamad.
Garsooraha ayaa jimcihi la xiray, iyadoo maanta lagu sii daayay damaanad, waxaana la filaya in toddobaadkan uu kasoo hormuuqdo maxkamad.