Somaliland: Dhakhaatiirta Ajaanibka ah oo laga saarayo dalka iyo Sababta

Hargeysa (OWN)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay dalka ka saarayso dhakhaatiirta ajaanibka ah sifaha sharci-darrada ah kaga shaqaysta goobaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ee dalka.

Komishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay inay muddooyinkii u dambeeyey soo kordhaysay cabashooyinka uga imanaya dhinaca bulshada ee la xidhiidha dhakhaatiirta Ajaanibka oo intooda badani aanay ka diiwaan-gashanayn xafiiskooda, sidaa awgeedna ay xukuumaddu go’aamisay in dalka laga saaro intooda aan sharciga u haysan inay dalka ka hawl-galaan 113 dhakhtar Ajaanib ah oo ka hawl-gala guud ahaan Somaliland.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker