Tusaalaha Waxbarashada & Khudbad Taariikhi ah Amb Diinaari Xiligii jaamacadiisa ka faa’iideyso Hadaad Ardey tahay

Tusaalaha Waxbarashada & Khudbad Taariikhi ah Amb Diinaari Xiligii jaamacadiisa ka faa’iideyso Hadaad Ardey Tahay,

 

Muqaalkan waxan ugu talo galey ardeyda hadda jamacadda kujirta iney ka dawadaan. Waxu ahaa Seminar aan kaga hadlayey (Total Quality Management) Taariikhdu waxey aheyd 21 August 2006. Waxa la socda invitation cardkii oo aan hayo 14 sano. Taas macnaheedu waxa weeye inuu ardeygu ilaalin karo xogta noloshiisa ee waxbarasho. Waxa kale oo card invitation laga baran karaa oo jamacadaheena ka baran karaan sidda loo qorsheeyo seminaradda. La isuguna keeno ardeyda iyo aqoonyahanka dalka iyo madaxdda qaranka. lana gorfeeyo hadba mawduuc ku saabsan waxbarashadooda iyo waliba taaso noqoneysa aqoon isweydaarsi shirkaddaha wax soo saarka iyo kambaniyaddu iney ka faa’iidey madaxdda maamuleysa ama iyaguba la wadagaan ardeydda waayo aragnimadooda shaqo Runtii maalintani waxey igu tahey xasuus qaaliya. Waxaa laga hadlayay Tayeynta Maamulka iyo ilaalintiisa. Marwalba inuu qofku halkuu joogo ama dowladda ama shirkadaha gacansigu iney sii hor mariyaan. Maamul wanaagooda. Waxa maamuus sharafeedka lahaa.

 

Xoghayaha, Qeybta daryeelka Arimaha Bulshada ee Dowladda Pakistan. Waxa Seminarka noo furey Madaxweynaha Jamaacadda. Anigu waxaan ku hadlayey ardeyda dhigata jamacadda. Waxaan ka hadley (Basic Total Quality Management) Wellcome address:- • Dr AbdulBAsit Chancellor of Preston University • Student Speaker Abdirizak Ahmed Farah • Mr Azif Ali Zar, Senior Scientific Officer, Governemnt of Pakistan • Mr. Ashiq Hussien Abbasi Director General M.S.Wings Establishment Division Governement of Pakistan Question – Answers Session Address by Chief Guest: – Mr. Shahzad Shaikh, Secretary,Population Welfare Division Governemnt of Pakistan

 

Taarikhdu waxey aheyd 21 August 2006. Muddo laga jooga. Runtii waxey aheyd dhiiri galin nalagu barayey inuu qofku isa soo hortaagi karo dad tiro badan. Mar labaaadkii bey aheyd intaan jamadda ku jirey aan meel dad aad u tiro badan oo ka kala socda qeybaha bulshadda ee kala duwan isa soo hortaago. Qiimeynta ka dib, iyo dhiiraraanta aan muujiyey waxaa jamacadda la ii ogolaadey in aan ka helo 50% scholarship. Iyadoo la rabey iney ardeyddu ku soo dhiirato. Public speaking. Si markey jamacadda uga baxaan u noqon karaan dad meelaha ey ka shaqeyaan. hadii loo baahdo ka jeedin kara mawduucyadda loo bahan yahey inu qofku ka hadlo, Isagoo isku kalsoon.

 

 

Nuxurka aan idinla wadagaaya waxa weeye ardey badan baa kabaqdda iney isa soo hortagaan dadka ama ka qeyb galaaan madalaha aqoon is weydaarsiga sidda (Seminarada). Marka waxaan idin odhalaha haka baqina ku dedaala. marka kugu horeysa waad baqeysa balse marka danbe waad la qabsaneyna. Hadhowna mustaqabalka waxaad noqon karaa qof jeedin kara khudbaddo caalamiya oo wax ku ool ah. waxey kale oo ardeyddu ka baran kaaan iney ururiyaan xogtoodda nololeed ee marka ey ku jiraan jamacadda. Nolosha qofku waxey ka bilaabanta waxbarashadda. Sidaas darteed waxan idinkula talinaya inaa noqotaan qof ururinta xogta naftiisa. Si aad beri u noqon karto qof ilaaliya maasuliyadda uu qaado shaqo walba oo ey tahey inuu qabto mustaqbalkiisa nololeed. Guuleysta dhalinyaradda dhamaantiin hadeer waxbarashadda ku jirtaan ugu talo galley vediogan. Alla Mahad leh

 

 

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker