Somaliland oo sheegtay in dacwad caalami ah ay ka gudbisay dilalkii ‘Muqdisho’ ee dhawaan dhacay

Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa shalay soo saaray warsaxafaadeed ay ku sheegayaan in ay dacwad ka gudbiyeen ‘dawladda Muqdisho’ sida hadalka u dhigeen taas oo ku aaddan ‘dilalkii muddooyinkii u danbeeyey halkaas ka dhacayey.

“Xukuumadda Somaliland waxay dacwad ka dhan ah dawladda muqdisho u gudbisay hay’adaha garsoorka iyo xuquuqda binu aadannimo ku shaqada leh, waxaanay ugu baaqaysaa hay’addahaasi inay dilalka iyo jidh dilka baadhis caalamiya ku sameeyeen,” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedkaas.

Dhanka kale Somaliland ayaa ugu baaqday hay’adaha hawada ee caalamiga ah in ay iyaga “ maamulka hawada kala soo xidhiidhaan”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker