Madaxweynihii Hore Cabdi Iley Oo Maxkamadi Ka Diiday Damaanad Uu Dalbaday InLagu Sii Daayo

Waxa shalay maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa ee Itoobiya la horgeeyay madaxweynihii hore ee deegaanka Soomalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo saddex ruux oo kale.

 

Warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in Cabdi Iiley iyo saddex ruux oo kale la horgeeyay maxkamadda si loogu oogo dacwado salka ku haya inay ku lug lahaayeen dunuub ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo
gabood falo kale oo ka dhacay magaalada Jigjiga iyo deegaanada ku xeeran.

 

Sida ay warbaahinta Itoobiya sheegtay Cabdi Maxamuud cumar, ayaa maxkamadda ka dalbaday in damaanad lagu sii daayo arrimo caafimaad dartood, laakiin Booliska ayaa iyaguna dhinacooda dalbaday in la siiyo 14 cisho oo dheeraad ah si ay baadhistooda u soo dhammaystiraan.

 

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa la sheegay inuu ku dooday inuu leeyahay wadne xanuun islamarkaana uu tabcaan ahaa maalintii Salaasadii ee uu xabsiga ku jiray, sidaas daraadeedna laga ogolaado damiinka oo ay maxkamadu dacwada dhagaysto isagoo banaanka jooga.

 

Maxkamadda ayaa maanta go’aamisay in la isugu soo noqdo fadhi labaad oo ay garsoorku go’aan kaga gaadhi doonaan damaanadda uu dalbaday Cabdi Maxamuud Cumar.

 

Inkastoo aanay warbaahinta Itoobiya baahin magacyada saddexda ruux ee maxkamadda ku weheliyay Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa warar soo baxay waxay sheegayaan inay kala yihiin Raxma Maxamed oo dawladiisa u
qaabilsanayd arrimaha haweenka iyo carruurta, Ibraahim Mubaarak oo ahaa maayarka Jigjiga iyo ruux kale oo magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Saxane.

 

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan inay maxkamadu sidoo kale iyagoo maqan dhagaysiga dacwadooda liiskan shalay ku dartay Cabdi Jamaal Qoloombi oo ahaa madaxii cadaaladda ee deegaanka Soomaalida Itoobiya
iyo Ibraahim Aadan Mahad oo isna ahaa madaxii waxbarashada oo labadoodaba dhawaan lagu qabtay magaalada Hargeysa ee Somaliland balse la sii daayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker