Duufaan laga cabsi qabo inay ka dhacdo kenya

Kenya waxaa laga yaabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid,” madaxweyne William Ruto ayaa sidaas u sheegay muwaadiniinta isagoo khudbad heer qaran ah u jeediyay dalkaas, iyadoo dalka uu la daalaa dhacayo fatahaado ay dad badan ku dhinteen iyo dhul go’ kuwaas oo saameeyay boqollaal kun oo qof.

Saraakiisha ayaa ku qiyaasay in ka badan 200 oo qof in ay ku dhinteen Kenya tan iyo bishii March, iyadoo 90 kalena la la’yahay. 155 qof oo kale ayaa ku dhintay Tanzania, halka 29 qof ay ku dhinteen Burundi ah.

Madaxweynaha Kenya oo Jimcihii hadlay ayaa sheegay in aysan jirin meel ka mid ah dalka oo ka badbaadiyay “burburka”, wuxuuna ka digay in xaaladda la filayo inay ka sii darto maalmaha soo socda, iyadoo la filay cimillo aad u daran.

“Duufaantan oo lagu magacaabo Hidaaya, waxay dhici kartaa wakhti kasta, waxaana la saadaalinayaa inay sababi karto roobab mahiigaan ah, dabaylo iyo mowjado xooggan oo khatar ah kuwaasoo laga yaabo inay carqaladeeyaan dhaqdhaqaaqyada badda ee Badweynta Hindiya iyo deegaannada ku teedsan xeebaha Kenya,” ayuu yiri.

“Dalkeennu waa in uu si adag oo degdeg ah uga jawaaaabaa saameeynta dhibaatada ka dhalan karta , lana ilaaliyaa nafta iyo hantida.”

Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan dugsiyada la xiro muddo aan la cayimin ka dib roobabkii lixaadka lahaa ee dalkaasi ka da’ay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker