Xildhibaanada Golaha Shacabka SomaliaOo Aqlabiyad ku Ansixiyay Heshiis Damaanad Qaadaya Maalgashiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankii maanta ku ansixiyay Heshiiska Damaanad qaadka maalgashi dhinacyo Badan.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenadiisa iyo inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

139 Xildhibaan ayaa ogolaatay in ansixiyo Heshiiska Damaanad qaadka maalgashiga darafyada Badan, 1 Mudane ayaa diiday, halka 2 Xildhibaan ay aamustay, waxaana Guddoonka Golaha Shacabka uu shaaciyay inuu Heshiiska Ansax yahay.

Sidoo kale Xildhibaanda Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 3aad marsiinaya wax ka badelka Sharciga Duulista Rayidka ee Hawada.s

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker