Weerar Qaraxyo Loo Adeegsaday oo ka Dhacay Hotel Muqdisho ku Yaal.
War Dag Dag: Hotel Villa Rose oo u dhaxeeya Villa Somaliya iyo Godka Jilacow ayaa rag hubeysan gudaha u galeen kadib qaraxyo halkaas ka dhacay.
Rasaas xooggan ayaa gudaha hotelka laga maqlayaa. Waxaana hotelkaan horay u dagnaa guddiga doorashooyinka heer qaran, haatanna waxaa dagan xildhibaano iyo siyaasiin.
Xabado aad u xooggan ayaa ka dhaceeysa gudaha Hotelka.