Xeer ilaaliyaha guud Somalia Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay go’aankii dowladda federaalka ay ugu hor timid qaraarkii Kenya ay u gudbisay qaramada midoobay ee ka dhan ahaa Al-Shabaab.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay go’aankii dowladda federaalka ay ugu hor timid qaraarkii Kenya ay u gudbisay qaramada midoobay ee ka dhan ahaa Al-Shabaab.

Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa waxa uu sababta diidamada Dowladda Federaalka ku micneeyay in ay ugu diir-naxayeen shacabka, isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi.

“Haddii aysan sharcigaas ka hortagi lahayn Dowladda uu saameyn weyn ku yeelan lahaa ganacsiga, gargaarka bani aadamnida iyo isgaarsiinta dadka kunool meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.”ayuu yiri xeer ilaaliyaha qaranka.

Dr. Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha qaranka waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay dagaal kula jirto Al-Shabaab, balse Kenya ay ujeedo gaar ah ka ledahay.

Qaraarkaan oo tirsigiisu ahaa 1267, waxa uu ku saabsanaa in Al-Shabaab lagu daro Liiska Argagixisada Caalamiga ah.

Dhibaatooyinka Al-Shabaab u geystaan Dowladda Soomaaliya iyo Kenya waxa uu tilmaamay in aysan isku dhaween, sidaas awgeed Dowladda federaalka ay mudan tahay in wada tashi lagala sameeyo qaraarka ceynkaan oo kale ah.

Dowladda Kenya ayaa u ololeyneysay qaraarkaan golaha ammaanka ay diideen kolkii dambe, waxaana dowladda Soomaaliya ku raacay qaar kamid ah dowladaha xubnaha ah golahaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker