Ninka Kenyaanka ee ay malaayiinta taageera ciyaaraha adduunka ka heleen

23-jir u dhashay dalka Kenya ayaa soo jiitay taageereyaasha Koobka Adduunka ee Qatar , kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo uu dadka ugu tilmaamayay xarun laga raaco tareenka.

Dadka booqanaya suuqa caanka ah ee taariikhiga ah ee Souq Waqif ee Doha ayaa si joogto ah ula kulmayay Mr Abbass, sida ay sheegtay Aljazeera.

“Waan jecelnahay ; waan jecelnahay ninka ku dhawaaqaya erayga metro,” qof u ah taageere ah sidaasi yiri.

Mr Abbas ayaa sidoo kale taageero badan ka helay barta TikTok.

Bogga rasmiga ah ee Fifa ayaa baahiyay muuqaal muujinaya sida ay ula dhaceen taageerayaasha.

Social embed from twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker